1 min read

Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ATMIS oo ka shiray in la bilaabo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye elie kala hadlay sugida amniga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale labada masuul ayaa isku raacay in si weyn loo adkeeyo amniga wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.