1 min read

Maamulka Somaliland oo cafis u fidiyay 546 maxbuus.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyay 546 maxbuus oo ah maxaabiista danbiyada fudud galay, munaasibada Ciida Carafo awegeed.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in munaasibada Ciidal-adxaa awgeed, lasii dayn doono maxaabiista danbiyada fudud lagu xukumay.

“Waxaan Go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul-odxad awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus” ayaa lagu yidhi wareegtada madaxtooyada kasoo baxday.

Wareegtada ayaa intaa ku dartay in amarka madaxweynaha uu fulin doono xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, isaga oo raacaya liiska maxaabiista uu madaxweynuhu amray in lasii daayo.

“Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska maxaabiista ee halkan ku lifaaqan” ayaa lagu yidhi wareegtada.