|

RW Abiy Ahmed: “Jabhadda OLF xasuuq ayey mar kale ka geysatay …”

.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Jabhadda Xureynta Oromada ee OLF ku eedeeyey iney markale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaasi.

Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay wuxuu sheegay Jabhadda OLF iney dad ku xasuuqeen galbeedka deegaanka Oromada

Hase yeeshee, Abiy Axmed farriintiisa ma soo raacin tirada dadka uu sheegay iney Jabhaddu ‘xasuuqday.’

Hase yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ee ‘BALDARAS’, wuxuu sheegay tuulooyin ku yaalla galbeedka deegaanka Oromada iney Jabhadda OLF maanta ku xasuuqday boqollaal qof oo rayad ah.

Laba toddobaad ka hor deegaanka Gimbi ee ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo qowmiyadda Amxaarada ka soo jeeda.

IDowladduna tirada dadka halkaasi lagu dilay waxay ku sheegtay 330 qof, halka ay ila wareedyo madax bannanna tirada dhimashada ay gaarsiinayaan 600 oo qof.

Posted by on Jul 4 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]