6 mins read

War Deg Deg ah: War sir ah oo laga Gudigii loo xilsaaray Baarista Hay’adda NISA. (Magacyada saraakiil la dilay iyo kuwo la la’yahay.. )

DEG DEG: War sir ah oo laga helay gudigii RW-Rooble u xilsaaray Baarista hayadda NISA waxyabihi ka dhacay ogow in arrintaan tahay midii Farmajo uu kula dagaalay RW-Rooble, ayuu gudiga sheegay in hayada uu ka dhex dhacay tacadi aad u balaaran,waxa uuna gudiga ogaaday ineey jiraan saraakiil la dilay iyo kuwa lagu waayey nolol iyo geeri,arrintaan ayaa soo ifbaxday markii la waayey IKRAN TAHLIL, si hadaba aan idiinkugu soo koobo warbixinta oo aad u dheer waxa aan ku bilaabaa saraakiishii la dilay iyo tarrikhda la kharijiyey kuwii la helay magacyadooda:


(1)-XIDIGLE/ MUUMINO C/RAXMAAN XAAYOW (14-5-2021-KII).
AUN-Mumino waxa eey ka tirsaneed hogaanka dabagalka NISA,waxa eyna qabilsaneyd ururinta xogaha ey soo ururiyaan saraakiisha dabagalka ee NISA,waxaane ku soo dhici jiray xogo xasaasi ah. Sida la cadeeyey Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin ayaa xaqiiqsaday in AUN-Muumino heshay warbixin xasaasi ah taaso ahayd in dil loo diyaariyey xubin ka tirsan Midawga Musharaxiinta waxayna AUN-Muumina qorshahaas si toos ah ula wadaagtay shaqsiga la qorsheyey in la khaarijiyo. Jimca14/5/2021-kii saacduna ahayd 9:40-Subaxnimo ayaa AUN_Muumina waxaa laga afduubay gurigeeda oo ku yaalo dhabarka dambe ee xarunta NISA EX-Mama Khadiija,waxaane lagu afduubay gaari nuuca Raaxada ah,waxaane meydkeeda laga helay degmada B/dheere waqti galab gaab ah isla maalintii la afduubay.
(2)-LABA XIDIGLE/ MUUSE XASAN JAAJUUN (20/3/20210-kii.
AUN-Muuse waxa uu ka tirsanaay dabagalka lugta(socdo) ama indha indheeyo qeybta ka hawlgasho Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho,waxa uuna AUN-Muuse dabageli jiray kooxda Alshabaab ee baada ka qaado ganacsatada magaaladda Muqdisho suuqyadeeda,AUN-Muuse ayaa helay waxbixin culus kuna soo noqonaysa Agaasime Fahad. AUN-Muuse ayaa la afduubay waqti habeen ah agagaarka xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho waxaane Meydkiisa lagu tuuray degmada H/wadaag maalintii xigtay subaxeedii kuna beegneed 21/3/2021-kii,sarkaalkan ayaa sababsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.
(3)-SHARMAARKE ISMAACIIL WAASUGE (7/7/2020)-KII.
AUN-Sharmaarke waxa uu ka hawlgeli jiray xarunta NISA ee Maama Khadiijo,shaqadiis ayaa u badneed habeenkii waxa uuna joogi jiray irida hore ee xarunta NISA waxa uuna qaabili jiray dadka raba ineey Fahad ula kulmaan si qarsoodi ah. AUN-Sharmaarke ayaa shaqada NISA bilaabay 2018-kii,waxa uuna AUN- Sharmaarke arkay dad fara badan oo uusan filayn ineey si hoosa Fahad ula xiriiraan waxaane taas ka dhalatay in AUN-Sharmaarke laga shakiyo loona maleeyo inuu cid kale la wadaagay xogaha uu haayo,waxaane dhacday in AUN-Sharmaarke si qarsoodi ah loo dilo meydkiisana laga soo dhex helo meel qashin qub ah kuna taalo degmada SHIBIS.
(4)-MARWO-FARXIYO IBRAAHIM SANEEY (19/5/2020)-KII.
AUN-Farxiyo waxa eey ka tirsaneed qeybta Baarista ee gobolka Banaadir ee NISA waxa eeyna ka hoos shaqeyneysay shaqsiga Fahad Yaasiin dadka u dila taliyane ka ah NISA gobolka Banaadir waa Yaasiin Fareey,waxa eey ku dhex dhacday ama qeyb ka ahayd dadkii ogaaday hawgal qarsoodi ah eey isla fuliyeen kooxdaan(lama cadeyn nuuca hawlgalku yahay). AUN-Farxiyo ayaa si farsameeysan waxaa loogu dhex dilay xafiiskeeda waxaane meydkeeda loo qaaday laguna tuuray Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.
(5)-GAASHAANLE/MAXAMED CABDULLE GOROD (8/7/2021)-KII.
AUN-Gorod ayaa si dadban ula shaqeyn jiray Fahad iyo Kulane waxa uuna shaqaale ahaan ugu qornaay xafiiska Fahad,inta badane ma uusan imaan jirin xafiiska oo waxa uu ku maqnaa jiray hawlo qarsoodi ah uu u diro Fahad ama Kulane,waxa uuna isku xira u ahaay hawlgalada kooxda Alshabaab ku sheegtaan ineey ayaga ka dambeeyeen falkii dhacay si aan loogu tuhmin Fahad ama Kulane. AUN-Gorod ayaa la waayey 8/7/2021-kii,in la waayo AUN-Gorod ayaa loo sababeeyey waxa uu ka ogaay dilkii loo kala geystay AUN-Eng.Yariisaw iyo AUN-Ikraan Tahliil,mana la haayo Gorod ilaa hada.
(6)-IKRAAN TAHLIIL FAARAX (26/6/2021)-KII.
Kiisakaan ayey baarayaashu ku sheegeen ineey ku socoto baaris sidaas darteedna eeysan dhici karin ineey wax ka yiraahdaan,waxayse sheegeen in dilka Ikraan ineey si toos ah ugu lug leeyihiin Fahad iyo Kulane.
(7)-LABA XIDIGLE XUSEEN C/LAAHI YOONIS (KARKAMSADE) 17/4/2021-KII. Ina Karkamsade waxa uu ka tirsanaay dabagalka waxa uuna u qaabilsanay Hoteelada eey degan yihiin Siyaasiyinta,waxa uuna kaamerooyin qarsan ku soo xiri jiray qolalka eey degan yihiin siyaasiyiinta si siyaasiga looga duubo muuqaalo aan fiicnayn si hadhaw loogu handado. Ina Karkamsade ayaa maqal iyo arag waxaa ugu dambaysay 17/4/2021-kii,gudiga ayaase helay xog xaqiijinaysa in Karkamsade ku sugnaay xarunta NISA uuna la joogay Fahad ka dibne aan la sii arag.
(8)-XIDIGLE YAASMIIN SICIID AXMED (3/4/2021)-KII.
Yaasmiin waxa ahayd gabar 24-jir ah waxa eeyna ka tirsaneed hogaanka dabagalka NISA,waxa eeyna ahayd qof ku xeel dheer gorfaynta falalka argagixisada,waxay ahayd qofta warbixinta maalinlaha ah u gudbisa Fahad,waxay ahayd qof wax badan ka ogayd NISA iyo Alshabaab,waane mida ilaa hadda loo la’ayahay.
(9)-YAASIIN MAXAMUUD JIMCAALE (12/3/2021)-KII.
Yaasiin ayaa looga shakiyey inuu sir culus u gudbiyey Gen.Xuud waqtigii uu aasaasay jabhada G/Hiiraan.Yaasiin ayaa lagu xiray Godka Jilacaw ka dibne waa la waayey nolol iyo geeri isagoo aan la hor keenin maxkamad.
(10)-DHAMME/ FARXAAN JAAMAC AW CUSMAAN (2/3/2020)-KII.
Farxaan waxa uu ahaay keeyd hayaha sirta Fahad Yaasiin iyo hawlaha gaarka ah ee Fahad Yaasiin waxaane loo waayey si kedis ah nolol iyo geerina laguma haayo ilaa hadda,hooyada dhashay Farxaan ayaa ilaa manata timaado albaabka hayada NISA ee Muqdisho.
(11)-XIDIGLE/C/SAMAD FAARAX DIIRIYE (23/12/2019)-KII.
C/samad ayaa waxa uu maamuli jiray xog fara badane ka hayey arrimaha ganacsiga ee Fahad Yaasiin sida gaarka ah u lahaay,markii Fahad ku soo biiray NISA-ne C/samad waxaa laga shaqaaleeyey NISA gaar ahaan hogaanka dabagalka,ugu dambayntii C/samad ayaa lagu qabtay inuu sirdoonka SOMALILAND u gudbiyey amaba la wadaagay xog ganacsi kuna saabsan in Fahad Yaasiin leeyahay saamiga ugu fara badan ee Tv-ga ASTAAN kana hawlgala SOMALILAND,C/samad waa la la’ayahay ila

Warkaan waxaan ka soo xiganay Qaran Caamir