|

Wafdi ka socdo Dowladda Soomaaliya oo ka qeeyb gelayo Shir Madaxeedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa  magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka  IGAD oo maanta ka qabsoomi doonta wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa shirkan ku matali doona Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh  Maxamuud.

Shirka ay IGAD maanta yeelanayaan ayaa la filayaa in looga hadlo xal u helidda khilaafka I dhaxeeyo wadamada Itoobiya iyo Suudaan, iyo Abaaraha baahsan ee ka jira Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya.

Posted by on Jul 5 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]