2 mins read

Real Madrid oo ku guulaysatay Champion-kii 14-aad Taariikhda iyo Liverpool oo ooyin kala baxday garoonks.

Real Madrid ayaa ku guuleystay Champion-ka kadib markii hal gool ku garaaceen Liverpool kuwaasi oo birta iyo goolyahe Thibaut Courtois uu hor istaagay, waxa uuna Real u yahay koodii 14-aad taariikhda .

Sheekada qeybta hore : Liverpool iyo Real ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Klopp aheyd dhanka helayay fursadaha xaqiiqda

Real rogaal celis ayay ku tiirsanaayeen mana aheyn halis gilin muuqata xilli halka fursad xaqiiq ay heleen dhamaadkii oo gool uu Benzema dhaliyay ayaa Var ay diiday.

Liverpool biloowgii fursad gool ah ayaa waxaa u diiday birta halka sidoo kale goolhayaha Real uu u diiday .

Real waxa ay ciyaarayeen ciyaar taxadar leh halka Liverpool ay ciyaarayeen kubad kaosoni leh xilli kooxda Ancelotti ay ka maqneyd in ay horay u soo dhaqaaqaan .

Salah kelo ahaan ma fiicneyn balse koox ka koox ahaan waa uu wanaagsanaaa.

Qeybta Labaad : labada koox waxa ay u muuqdeen kuwo ay ka go`an tahay dadajinta ciyaarta  waa ayna u furneyd labada dhinac  xilli Liverpool laga bad bad baadiyay gool daqiiqadi 54-aad.

Real waxa ay ka faa`ideysteen ciyaartooyda  Liverpool oo banaanka aad ugu soo baxayay waxa ayna heleen gool uu dhaliyay JR waxaana soo baasay Valverde iyadoo goolkaas uu dhashay daqiiqadii 59-aad.

Liverpool ma niyad jabin waxaana daqiiqadii 64-aad kubad gool xaqiiq aheyd ka bad baadiyay goolhayaha Real waxaana kubaddaas oo laad aheyd lahaa Salah .

Liverpool waa ku wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Real kuwaasi oo dhankooda ku tiirsanaa rogaal celis  , waxaana Salah daqiiqadii  68-aad gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay shabaq ilaaliyaha Real .

Liverpool kaliya waxaa dilayay  go`aan qaadasho deg deg ah balse cadaadis ahaan waa ay fiicnaayeen  xilli Real daqiiqadii 76-aad ku dhawaadeen gool balse si sax ugama aysan faaiideysan .

Dhamaadkii , Liverpool waa ay sigayeen Real kuwaasi oo u muuqday in daafaca ay galeen , yaab , goolhayaha Real habeenkiisa ayay aheyd gool xaqiiq ahaa cajiib ah ayuu daqiiqadii 82-aad ka bad baadiyay Salah .

Real dhamadki gool labaad xaqiiq ah ayay cuneen waxa ayna haeyd waqtigi dheeriga ciyaarta iyadoo ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool oo ay Real ku qaadeen Champion-kii 14-aad taariikhdooda .