1 min read

Puntland oo maanta ka bilowday imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare.

Maanta waxaa Puntland ka billaabmay imtixaanka fasallada 8-aad iyo 12-aad ee shahaadiga ah.

Ardayda u farriisanaysa ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 20 kun, kuwaas oo in ka badan boqolkii 45 ay yihiin gabdho.

Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa sheegtay in tan Federaalka ay ku heshiiyeen in korjoogayaal ay u dirto imtixaanka, balse aysan arrintaas sanadkan suuragelin.