29 Mar, 2024
1 min read

Muxuu yahay adeega cusub ee ay Whatssapp soo kordhisay?

 WhatsApp ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha inay tafatiri karaan fariimaha, tallaabadaas la mid tahay qaab ay bixiyaan shirkadaha ay tartan ka dhaxeeyo sida Telegram iyo Signal. Shirkaddu waxay sheegtay in fariimaha la tifaftiri karo ilaa 15 daqiiqo ka dib marka la diro. Adeegga Whatsapp ayaa katirsan shirkadda weyn ee tignoolajiyada Maraykanka laga leeyahay […]

1 min read

Booliska Spain oo soo xiray eedeysanayaal la sheegay in ay cunsuriyad kula kaceen Vinicius Jr.

Booliiska dalka Spain ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen cunsurinimo ay kula kaceen cayaaryahanka Real Madrid ee Vinicius Jr. Saddexda qof ayaa da’doodu u dhaxaysaa 18 ilaa 21 jir, sida ay booliisku ku sheegeen farriin ay soo dhigeen Twitter-ka. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil, isla markaana madowga ah, […]

1 min read

Dowladda Ingiriiska oo hadal cusub kasoo saartay ardayda wax-barashada u taga UK.

Ardayda ajnabiga ah ee wax ka barata Uk gaar ahaan kuwa doonaya shahaadada masters-ka ayaan awoodi doonin inay geeyaan xubnaha qoyskooda UK, iyada oo la raacayo xannibaadda socdaalka. Ku dhawaaqista ayaa la sameeyay laba maalmood ka hor inta aan la filayn in tirakoobka rasmiga ah uu muujinayo socdaalka sharciyeed ee gaaray rikoorka 700,000 sanadkan. Raiisel […]

1 min read

Xidigga Real Madrid ee Vinicius Junior oo si weyn uga carooday cunsuriyad lagula kacay.

Kooxda kubadda cagta Spain ee Real Madrid, ayaa dacwad naceyb ah gudbisay, kaddib markii weeraryahankooda Vinicius Junior uu aflagaado cunsuriyad ah kala kulmay taageerayaasha mucaaradka. Ciyaartii Axaddii dhexmartay Real iyo Valencia ayaa muddo kooban la hakiyay ka dib markii uu xiddiga reer Brazil oo madow ah uu ugu baaqay garsooraha inuu soo dhex galo. Horyaalka […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la bur buriyay Saldhigii Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Jilib.

JILIB: – Duqayn ayaa ka dhacday magaalada Jilib ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, sidaasi waxaa tebiyey warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya. Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyadoo intaa sku dartay inuu khasaare jiro. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in khasaaraha uu […]

1 min read

Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah oo ka hadashay xakameynta hubka Caasimadda.

Mako Maxamuud Muuse oo dhowaan loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xakameynta hubka ee caasimadda. Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho. Qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa […]

1 min read

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Thomas K. Chepkuto. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalada […]

1 min read

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya oo iska casilay xilkaas (Qodobo ku saabsan is Casilaadiisa).

Jeddah: –Safiirkii Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray saacadihii hore ee maanta. Hadalkaasi waxaa sidoo kale xaqiijiyey ilo diblomaasiyadeed. Safiirka ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay in laga reebay ka qaybgalka shirka 32-aad ee jJaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah 19-kii May, taasi […]

2 mins read

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah billaabaya.

Saraakiisha ugu sarreeysa ciidamada Milateriga iyo Booliska ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa kulan ay la qaateen saraakiisha ciidamada Booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle waxa ay ku go’aamiyeen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle. Taliyaha ATMIS ee Burundi, Jean Claude Niyiburana, oo shir […]