1 min read

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay jiheynta sharciyada Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn, oo ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka, isagoo xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.