1 min read

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo ka hadlay Weerarkii Al-Shabaab.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay uu khasaare ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Museveni ma uusan sheegin tirada askarta kaga dhimatay ama kaga dhaawacantay balse waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo qirto khasaaraha ka soo gaaray weerarkaas ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Musaveni ayaa sheegay intii uu socday weerarka “Qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd ayaa sidii la filayey aysan ula iman wax-qabad iyo iyagoo argagaxay, taas oo keentay in ay kala cararaan, Al-Shabaabna ay taas ka faa’iideysteen in ay jabiyaan saldhigga oo ay burburiyeen qalabkii yaallay.

Sida ay qortay Reuters,ragga weerarka geystay ayaa tiradooda lagu sheegay 800, waxaana intii uu socday weerarka lagu khasbay ciidamada Uganda inay dib ugu laabtaan saldhig u dhow oo qiyaastii sagaal KM u jira.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Uganda ay la kulmeen jab weyn, isla markaana qaarkood maxaabiis ahaan loo qabtay, balse xogtan si madax banaan looma xaqiijin.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa lakulmin Weerar intaa le’eg ayaan muddo sanado ah.