1 min read

Sergey Lavrov oo safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa ku dhawaaqday in Mr Lavrov uu soo gaaray Nairobi subaxnimadii Isniinta, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin socdaalka.

Safaaradda Ruushka ee Nairobi ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay in booqashadan ay noqon doonto “toddobaad miro dhal u ah xiriirka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Kenya”.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka baaqsaday xafladda caleema saarka Bola Tinubu ee Nigeria oo lagu waday maanta oo Isniin ah.

Booqashada Mr Lavrov ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba uu socdaal ku tagay wadamada badan kuyaalla Afrika todobaadkii hore.