1 min read

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta laga sugayo go’aanka eedeysaneyaal loo haysto  musuq-maasuq.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa inay ku dhawaaqdo xukunka 11 eedeysane oo loo haysto musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.

Xubnaha eedeysanayaasha ah oo xillal kala duwan ka hayay Wasaaraddo iyo Hay’addo kuwa dawladda ah, ayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq-Maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti, iyo ku Takrifal hanti dadweyne.

Dhagaysiga dacwadda 11 ka eedeysane loo haystay ayaa la soo gabagabeeyay, waxana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka raggan. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahintan warkan inoo haya.