1 min read

Ciidamada ammaanka oo Fashiliyey laba Qarax oo Al-Shabaab rabeen inay soo geliyaan Guddaha Dhuusamarreeb.

Laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa  ayaa saakay aroortii ku qarxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay waddo aada garoonka diyaaradaha magaalada, halka kan labaad uu ka dhacay meel u dhow bar kontorool. Gaariga labaad ayaa qarxay xilli ciidamada ammaanka ay rasaas ku furayeen.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in la fashiliyey labada qarax baabuur, oo sida ay sheegtay la doonayey inay gudaha u galaan magaalada, balse ay ciidamada uga hortageen kuna fashiliyeen bannaanka magaalada.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in xogta qaraxa la helay xalay.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraaha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyada. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in askarta qaar uu dhaawac kasoo gaaray firir.

Labada qarax ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo uyagu ku caan baxay adeegsiga Qarxyada.

Dhinaca kale magaalada Dhuusamareeb waxaa muddo laba bil ku dhow ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.