1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambaleeyay munaasabadda Xusks Dhalasha Nabiga CSW.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale goobaha wax lagu barto, iyadoo lagu weynayo xuska iyo dagaaldegga dhalashada sanadkaan ee Nabiga (1445) oo sidoo kale ku beegan 2023 Milaadiyada.

Wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee koonkaan Allah uu usoo saaray, si umaddaan uu u gaarsiiyo xaqa kagana digo baadilkii ay kugnaayeen markaas, dhaxalkii iyo dadaalkii uu ka tagay ayaa ah waajib saran ruux waliba inuu gaarsiiyo kan kale aysan gaarin, sidii uu ku dardaarmay sanadkii Xajatu Widaac la yiri.

Dhinaca kale Nabigeena Muxamed CSW Magaciisa oo dhammeystiran  Waa Muxamad Binu Cabdilaahi, Binu Cabdil Mudalib, Binu Haashim, Binu Cabdi manaaf, Binu Qusayyi, Binu Bilaab, Binu Murah, Binu Kacab, Binu Lu’ayi, Binu Qaalib, Binu Fihri, Binu Maalik,Binu Al Nadar, Binu Kinaana, Binu Khuzeyma, Binu Mudrika, Binu Ilyaas, binu Mudar, Binu Nazaar, Binu Macid, Binu cadnaan.