2 mins read

Garsoore ku sugan New York oo riday xukun ka dhan ah Trump.

Donald Trump iyo wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York.

Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James.

James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda.

Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah.

James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaaliyaha guud.

Ka sokow inuu ku helay Trump iyo labadiisa wiil inay qiyaano sameeyeen, garsooraha ayaa baabi’iyey shatiyada ganacsi ee u ogolaanayey Trump Organization inuu maamulo qaar ka mid ah dhismooyinka uu ku leeyahay New York.

James ayaa dalbaneysa $250 milyan oo ganaax ah, iyo in Trump iyo wiilashiisa laga xayuubiyo maamulka hantida qoyska ee Trump Organization.

James ayaa sheegeysa in Trump iyo asxaabtiisu ay u gudbiyeen xisaab “si weyn loo buun-buuniyey” bankiyada iyo caymiyeyaasha sannad kasta intii u dhaxaysay 2011 iyo 2021 “si ay u helaan una sii joogteeyaan daymo iyo caymis qiimo jaban.”

Waxay sida la tuhunsan tahay inay sare u qaadeen qiimaga guud ee hantida Trump oo ay ku dareen balaayiin dollar, taasi oo dhalisay “boqolaal milyan oo dollar oo si khaldan loo dhigtay iyo faa’iidooyon.”

James ayaa tuhunsan in ka badbadinta qiimaha hantida Trump ay aheyd inta u dhaxeysa $1.9 bilyan iyo $3.6 bilyan sannadkiiba.

Trump oo ah musharaxa ugu cad-cad xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa ku tilmaamay kiiska “ugaarsi shaqsi ah”, isagoo ku tilmaamay James, oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ahna Madow, inay tahay “cunsuri”.

Kooxda Trump ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.

AFP