1 min read

Deegaan ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saaka dhacay agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Xayle ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana uu ahaa bartilmaameed lala eegtay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa diyaaradaha gaaf wareegayeen deegaano kale oo dhaca gobolka, sida Ceelhareeri illaa Kalabeyr, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii ay ciidamadu toogasho ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen mid kale, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Bulacle ee isla gobolkaas oo ay haatan dhaqaaqyo ka wadaan ciidanka huwanta.

Dhanka kale Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo khasaare badan lagu gaarsiiyay Shabaab.