1 min read

Ciraaq: Farxaddii arooska ee murugada isku baddeshay ee ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Dab ka kacay xaflad aroos oo ku taal waqooyiga Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Saraakiisha difaaca ayaa waxay sheegeen in rashka laga shiday dabaal-degga gudaha hoolka degmada Xamdaniyah. Goobta ayaa la sheegay in lagu dhisay walxo si fudud u guban kara.

Dabka ayaa ka kacay degmada Al-Hamdaniya ee waqooyiga gobolka Nineweh ee dalka Ciraaq goor dambe oo fiidnimadii Talaadada ah. Arooska iyo aroosada ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan dadka la ku dhintay dabkaasi.

Sawir ay soo bandhigtay wakaalada wararka Ciraaq ee Nina ayaa muujinayay, tobanaan ka tirsan shaqaalaha dab damiska oo la tacaalaya dabka, Sawiro ay soo qaadeen saxafiyiinta maxaliga ah oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya hoolka xafladdu ay ka socotay oo gabi ahaantiisba baa’bay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaallada ku yaalla gobolka Nineweh, sida uu INA u sheegay guddoomiyaha gobolka. Waxa uu sidoo kale sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca lagana yaabo in ay kororto.

Isbitaalka weyn ee Xamdaniya oo dhanka bari kaga beegan magaalada Mosul ee gobolkaasi ayaa waxaa gaaray tobanaan qof si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah.