1 min read

Dowladda Maraykanka oo sheegtay inuu joogtaynayso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Xoghayaha Difaaca ee dowladda Mareykanka Lloyd Austin ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joogteeyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Lloyd Austin ayaa sheegay inay jiraan dib u dhacyo ay la kulmeen ciidanka militariga Soomaaliya, oo mararka qaar ay caawinayaan ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa booqasho ku tagay caasimadda Kenya, taasoo qayb ka ah socdaalkiisii ugu horreeyay ee Afrika, kaasoo Axaddii ka billaabay dalka Jabuuti.

Austin ayaa hadalkan sheegay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) todobaadkii hore, kaasoo billowday in si tartiib-tartiib ah awoodda loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sanadkan 2023-ka.

Dowladda Maraykanka ayaa hadda wada qorshe dib u dhis xooggan loogu sameynayo ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab, kuwaas tiro badan oo ciidankaas kamid aha ay ku geeriyoodeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dowladda Maraykanka u sheegay inuu u baahan yahay taageero dheeri ah , maadaama uu wajahayo howl adag oo ah inuu sii joogteeyo cadaadiska Al Shabaab.