1 min read

Ma Run baa in Fanaanada caanka ee Farxiyo Kaba yare ay ka baxday bahdii Fanka?.

Waxaa baraha bulshada Soomaalida leysla dhex marayay in fannaanadda Farxiya Kabayare ay ka baxday fanka.

Qoraal la soo dhigay bog uu ku qoran yahay magaca fannaanadda ayay dad badan isla soo wadaageen, hase yeeshee Farxiya ayaa arrintaasi ka hadashay. “Waxba kama jiraan inaan fanka ka baxay, waa dad doonaya inay aniga iska key dhibaan” ayay tiri ay mar ay BBC-da la hadashay.

Maalin kahor ayay ahayd markii fannaanadda reer Hargeisa ee Najma Nashaad ay shaacisay inay fanka ka baxday, kaddib geeridii ku timid dhalinyaro ka tirsanaa Waqal Studio oo shil gaari ku dhintay.