1 min read

Sucuudiga oo ballan qaad aan la fileyn u sameeyay Falastiin.

Safiirkii ugu horreeyay ee Sacuudiga u qaabilsan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ballan qaaday in qadiyadda Falastiin ay “bud dhige” u noqon doonto heshiis kasta oo lagu wanaajinayo xiriirka dalkiisa iyo Israel.

Nayef al-Sudairi ayaa hadalkan jeediyay kadib imaatinka wafdigii ugu horeeyay ee Boqortooyada Khaliijku ay ku tagto Daanta Galbeed muddo soddon sano ah.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo xukuumadda Washington ay hormuud ka ahayd wadahadallo u dhexeeyay Israa’iil iyo Sucuudiga oo looga gol lahaa in lagu dhiso xiriirka labada dal.

Todobaadkii hore madaxweyne Cabbaas ayaa sheegay in heshiis bariga dhexe nabad loogu raadinayo uusan suurtagal noqon doonin ilaa Falastiiniyiinta la siiyo xuquuq buuxda