1 min read

Maraykanka oo soo dhaweeyay codsiga Soomaaliya ee dib u dhigista bixitaanka ATMIS

Dowladda Mareykanka ayaa taageertay go’aanka ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ah in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) saddex bilood.

Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero siin doonto codsiga Soomaaliya.

“Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doontaa baahida iyo codsiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Dixon isagoo xusay in ay mar walba waan taageersan yihiin codsiga la xiriira in dib loo dhigo wajiga 2-aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS.

Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay todobaadkii hore, iyadoo ku dooneysa in muddo 90 maalmood ah dalka looga saaro 3,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku dooday in codsiga dib u dhigista uu sabab u yahay dib u dhacyo dhowr ah oo uu ka mid yahay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Coosweyne ee gobolka Galguduud oo la sheegay inuu soo baxay daldaloolo badan oo dhinaca ciidanka dhexdiisa ah.

3,000 oo askari oo dheeri ah oo ATMIS ah ayaa la filayay inay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka bishan, iyadoo la raacayo qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.