1 min read

Dacwad loo heysto eedeysanayaal ka tirsan wasaaradda shaqada XFS oo la soo gabagabeeyey

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda FS, kuwaasi oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyad loo igmaday.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa ilaa afar ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kala ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo joogay fadhiga Maxkamadda iyo sido kale Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdikariim oo maqanayaal ahaa.

Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha oo gaaray Sagaal Abuukaate, Waxaa la is dhaafsaday cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay iyo doodaha ay isaga difaacayeen Qareenadda, waxaa sido kale fadhiyada qaar ee Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhinacyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo gaba-gabeeyay dacwadda manta, waxaana uu sheegay in Xukunka ay soo saari doonto dhawaan laguna shaacin doono fadhi furan oo bulshada ay kasoo wada qeybgali karaan, toosna looga daawan karo Warbaahinta.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bartamahii bishaan soo gaba-gabeysay laba dacwadood oo hore kuwaasi oo ku saabsanaa Musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaana eedeysanayaal ka ahaa toddobo ruux oo ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.