3 mins read

Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu Soomaaliya geeyay hub ay al-Shabaab leedahay ee la waayay?

Warbaahinta gudaha Kenya gaar ahaan Daily Nation ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cirib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh oo horay ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo kooxda al-Shabaab.

Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay.

Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation.

Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa.

Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu Somaliya geeyay hub ay al-Shabab ledahay ee la waayay?

Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah.

Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu.

Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al Shabaab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay.

Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan.

Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen ‘saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas.

Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baarayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya.

Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo bandhigtay.

Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koobnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka badda, doorobiinno, marada laga sameeyo dareeska ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cadceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milatariga.

Xigasho:BBCSomali