1 min read

Faransiiska oo la baxaya ciidamadiisa ka jooga dalka Niger.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiiska uu u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger, ayna soo afjari doonaan iskaashiga milatari ee ay dalkaasi la’ lahaayen.

Kun iyo shan boqol oo askari oo Faransiis ah oo qayb ka ah la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka Saaxil ayaa sidoo kale Faransiisku qorsheynayaa inuu kala soo baxo dalkaas dhammaadka sanadkan.

Dowladda cusub ee militariga Niger ayaa soo dhaweysay go’aanka, iyadoo sheegtay in tillaabadaan ay gacan ka geysan doonto soo celinta madax banaanida dalkooda.

Mr Macron ayaa sheegay in Faransiisku aanu u afduubneyn hoggaamiyaasha dalak Niger ka sameyay afgambiga.

Horey ayaa taliyayaasha militariga ee Niamey waxay uga mamnuuceen hawada dalkooda diyaaradaha Faransiiska.