1 min read

Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxii Beledweyne oo la keenay isbitaallada Muqdisho.

Sagaal qof oo kamid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay.

Qaraxa ka dhacay shalay Beledweyne oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo walxo qarxa lagu soo rarray ayaa lagu qarxiyay xaafadda Horseed, waxayna saraakiisha Booliska Gobolka Hiiraan BBC-da u sheegeen in inta la ogyahay ay qaraxa ku dhinteen 18 qof, 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Boolisku waxay kaloo sheegeen inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la dagan yahay.

Magaalada Beledweyne waa magaalada labaad ee qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan Soomaaliya marka laga soo tago caasimadda Muqdisho.