1 min read

Tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baladweyne oo korortay.

Faahfaahinnada kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baledweyne oo sii kordhaya.

Qaraxan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay goob saxmad badan oo ku taalla bartamaha magaalada.

Wararki ugu dameeyay ee kasoo baxay maamulka kuna aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah ee geystay khasaaraha baaxada leh ayaa sheegaya in saameyntu ay badantahay.

Sida hadda uu sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamay in qasaaruhu uu yahay mid baaxad leh bur bur badanina uu jiro.

Qasaaraha dhimashada ayaa gaaray ilaa 18 ruux halka dhaawacyaduna ay gaarayaan ku dhawaad 50 ruux.

Baledweyne waa magaalada labaad ee kooxda Shabaab ka fuliso qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ugu khasaaraha badan marka laga reebo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.