1 min read

Manchester United oo guul heshay, kaddib sedex guuldarro oo xiriir ah oo ay horey ula wareersaneed.

Kooxda Manchester United ayaa guul ay u baahnayd xalay ka gaartay ciyaartii ay la lahayd kooxda Burnley ee uu wato kabtankii hore ee kooxda Manchester City Vincent Kompany.

Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 45-aad u dhaliyay gool kooxda Manchester, iyadoo waqtigaa wixii ka dambeeyay labada kooxoodba ay iska khasaariyeen fursado ay goollal ku dhalin kareen.

Guusha Kooxda Manchester United ayaa u horseeday inay soo fariisato kaalinta sideed ee kala horeynta kooxaha Horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Manchester United ayaa sedex guuladarro oo xiriir ah kala kulantay Horyaalka Ingiriiska iyo Koobka Horyaallada Yurub, waxana isa soo tarayay dhaleecaynta loo jeedinayo tababare Erik Ten Hag.

Kooxda Burnley ayaan wali wax guul ah ka gaarin shanti ciyaar ee ay dheeshay horyaalka, waxayna fadhisaa kaalinta u dambeysa ee labaatanaad.