1 min read

Midowga Afrika oo ka xumaaday warqad ay DF Somalia u dirtay Golaha Ammaanka.

Midowga Afrika ayaa sheegay inay ka ”xumaadeen” warqad ay Somalia u dirtay Golaha Ammaanka ee QM oo ku saabsan bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta KMG ah ee ATMIS.

DF Somalia ayaa la sheegayaa inay Jimcihii si rasmi ah Golaha Ammaanka uga codsaday in bixitaanka ATMIS dib loo dhigo muddo 90-cisho ah, kaasoo ilaa iminka ay ku bexeen 2,000 oo askari oo ka mid ahaa 17,000 oo askari oo ka tirsan Howlgalka ATMIS.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay baxaan ilaa 3,000 oo askari dhammaadka bishan Sebtembar, balse DF Somalia ayaa lagu dhaliilay qaabka ay arrintan u wajahayso taasoo keeni karta inay isku dhacaan labada dhinac.

Sarkaal is qariyey oo ka tirsan madaxda AU ayaa VOA u sheegay in Somalia lagu haysto ”hab-raac xumi”, isagoo ku dhaliilay inay ahayd inay DF warqadda ku hagaajiyaan Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo ah midka ay hoos tagto ATMIS, halka ay u direen Golaha Ammaanka ee QM.

Wuxuu kaloo sheegay inay tillaabadan oo jahawareer abuuraysaa ay sidoo kale caawinayso kooxda Al Shabaab, sidaa darteed, loo baahnaa inay ”DF ay wada hadal daacad ah la yeeshaan saaxiibbada caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Midowga Afrika.”

Askariga ugu dambeeya ATMIS ayaa lagu wadaa inuu Somalia ka baxo dhamaadka sanadka soo aaddan ee 2024-ka gaar ahaan bisha Diseembar, balse uma muuqato in xilligaas ay dhibaatada jirtaa kusoo afjarmayso, waloow AMISOM iyo hadda ATMIS lagu eedeeyo inay dagaalka ka faa’iidaysanayeen, halkii ay arrinta wax ka qaban lahaayeen, in kastoo eedda badiyaa ay sidoo kale leeyihiin hoggaanka Somalia oo aan muujin daacadnimo, bisayl iyo siyaasad midaysan oo qaran.