1 min read

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddoomiyay Shir looga hadlayay dardargalinta Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Shir gudomiyay Shir lagu dardargalinaya Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga dowlad goboleedka Galmudug ,Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo dhaweyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada  Xoogga dalka ,Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen  dagaalada  ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Khawaarijta si xun lagu jabiyay Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaran sifaynta Khawarijta.

Ugu Danbeyn Shirkaan ayaa lagu kala qaatay awaamiir hor leh oo sare logu qaadaayo Amniga Galmudug.