1 min read

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday xubnno katirsan Al-Shabaab.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Saddax xubnood oo ka tirsan kooxda khawaarijta.

Xubnahan ka trisan khawaarijta ayaa xeer ilaalinta maxakamddu ku soo edeeysay in ay la shaqeynayeen Argagixisada,waxana lagu kala xukumay sidaan:-

1: Cawil Aadan Jamaac waxa ay Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah.

2: Xaawo Cismaan Cabdi waxaa lagu xukumay iyana 8-sano oo xabsi ciidan ah

3: Xasan Cali Xasan waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Hal sano oo IL ku heynta Booliiska ah.

4: Maxamuud Cabdi Xuseen,waxa ay Maxkamadda cadeeysay in uusan lahayn wax dambi ah waxa ayna u soo celisay xoriyadiisa,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ciidanka Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute