1 min read

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Muqdisho keentay Dhaawacyada dadkii khawaarijtu ku qarxisay Baladweyne.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay khawaarijtu ku qarxisay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhaawacayadaan waxaa garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uga hortagay xildhibaanno katirsan dowladda iyo madaxday Hay’adda SoDMA

Gawaarida Gurmadka Deg-degga ah oo hay’adda SoDMA hore ugu diyaarisay Gudaha garoonka ayaa durbadiiba dadkaan u gudbiyey Goobaha Cafimaadka Caasimada si loola tacaalo.

Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Dr Abdullaahi muse Axmed ayaa kawarbixiyey Tirada dhawacyada la keenay Muqdisho,waxa una sheegay in la keenay 16-qof oo isugu jira Caruur,Haween iyo dad wayeelo ah oo khawaarijta arxanka daran ay shalay ku qarxisay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo xubnno ka socday gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee werarkaa ku dhinta kuwa dhawacamayna alle ugu baryay in uu caafiyo.

Waxana qaar kamid ah masuuliyinta oo la hadlay warbaahinta ay yiraahdeen:-

Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale “Shacabkii Masaakinta ahaa ee Khawaarijta beegsatay u ooyi meyno,waan u aar gudeenaa.”

Xildhibaan Cabdinaasir Shirwac “Khawaarijta waxaa ka go’an in ay dhamaan shacabka Soomaaliyed disho,waxaana haboon inaan dilno inta aysan na dilin.”