1 min read

Waallidii oo Waalatay !!!. ( Faallo)

Maxkamadaha Dalka ayaa u baahaday Shaqaale Cusub oo kala ah 40 Kaaliye iyo 60 Garsoore.

Waxaad ka dareemee Xaddiga Shaqa la’aanta ka jirto Dalka, waxaa Shalay 21/9/2023.imtixaan u galay 40-kii kaaliye 1766 Shaqa doone, 60-KII Garsoorena 486 Shaqa doone.

Qaar badan oo hore Codsi shaqo u soo gudubsadayna, si iskood ah ayeey Dib uga noqdeen oo maba galin Imtixaankii, iyaga oo ay ka muuqato quus ah in Imtixaanku uu yahay Buuxi shuruudaha laakin Dadkii la qaadan lahaa la sii ogyahay, waa shaki u gaar ah iyaga. Kuwa galay laftooda ayaa qaar aaminsanahay in ay suuragal tahay in Si sax ah aan loo qaadan shaqaalaha.

Haddii Qofkii Shaqa doonka ahaa uu ka shakisan yahay in uuna shaqada si Cadaalad ah ku helayo oo uu raadinayo Madax u fududeeyso in loo qaato Kaaliye ama Garsoore. Haddii uu Shaqada sidaa ku helo isaga laftiisa ma laga filaa in uu si Cadaalada ah ku guto Howlahiisa Berri? .

Codsi.

Waxaa Madaxda Garsoorka Qaranka ka codsanaa in halkii loo soo doona lahaa cadaaladda ayna dhaxdeeda ka dhicin Cadaalad Darro. Dadku hore ayeey u fiigsanaayeen oo xafiisya badan ayeey Quus ka joogeen, Haddii Adinkuna aad ku darsantaan, waxa ay noqonee Dabkii Dhaxmooday ama Waallidii oo lafteedii sii waalatay. Hore ayaan Xafiiyadda Qaranka Qaar ugu aragnay, Waalli waalatay.

Nagama dhaqa yaridiin ee Sumcadiina ilaashada, waa iga Talo.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore : Yahya Amir