1 min read

RW Xamse oo la kulmay Madaxweynaha Comoros iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

Labada mas’uul waxa ay isla soo qaadeen iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dal iyo sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda dhibaatooyinka soo wajaha dalalka qaaradda Afrika ee ay ugu horreyso saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu Qaramada Midoobay kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.