1 min read

Nasashada Jimcaha. Q- 375 =Sidee la isku aaminaa? Haddii kii Maanta ku koolkoolinayay uu berri ku karkarinayo=

1. Somalidu waxa ay tiraa: ina waleeys wixii uu ku koro ayuu ku weynaadaa. Waxaa kale oo la yiraa: Man Shaba Calaa sheyin, Shaaba Caleeyhi. F.S: (1-4aad.

( Ka fikir Caruurtaada Barbaarintooda, waxa ay kaaga daysanayaan hab dhaqankaaga)

2. Gabar ayaa u tagtay Nin faaliye ah. Waxa uuna ku yiri: Saaxiibkaa kaligii aad u daryeel, Bil kadib waxa uu noqonaa Nin taajir ah oo Milyooneer ah. Gabadhii xalay oo dhan ma seexan, weeyna welweleeysay oo Ooyneysay, mana Aqoon 15-keeda Saaxib halka uu noqon doono Taajirku.

( dharagii Fara badiyo, waa fuud xaraareeyaa)

3. Haweeneey ayaa tiri: Haddii Seygaagu yahay Nin Asgari ah, ee uu kugu qabto Adiga oo Nin kale la joogo oo khiyaanayo,oo aad ka baqdo in uu ku dhibaateeyo. Waxaad Qaadaa Heesta Calanka, raacina Muusiga Qaranka. Inta ey socdaan kuwaasi looma ogolo Asgarigu in uu dhadhaqaaqo. ( F.S: 5aad)

( Somaliya amaaba laga helaa Asgar aan aqoon Labadaba?)

4. Ninka Ugaarsatad ahi, waxa uu isku qabtaa hal il marka uu wax ugaarsanayo laakin ma jeclo in uu ileey noqdo. ( F.S: 6aad)

( Siyaasigu marka uu doorashada ku jiro waxa uu jecelyahay in uu Lacag kuu ballan qaado, laakin ma jeclo in uu noqdo Lacag bixiye)

5. Nin ayaa Codsaday in Qiimaha Shidaalka la kordhiyo, sabata oo ah Gabdhihii aan saaxiibada aheyn waxa ay naga raaceen Ragii Gaadiidka lahaa. ( F.S:7aad)

( Abwaan Dhoodaan ayaa hore noogu sheegay. Muxuu yiri?)

6. Nin ka mid ah kooxda Mugabe ayaa yiri: Markii aan arkay Xiriirka Wanaagsan ee ka dhexeeyo Biyaha iyo Malaayga ku dhax nool, ayaan ogaaday in Dunidda oo dhan la is khiyaanayo, markaan dib u arkay isla Biyihii oo Kalluunkii lagu karinayo. ( F.S:8aad)

( sidee la isku aaminaa? Haddii kii Maanta ku koolkoolinayay uu berri ku karkarinayo)

Qore:Yahya Amir