1 min read

Turkiga oo mamnuucis ku soo rogay khamriga iyo sigaarka

Waxaa la kordhiyay tirada goobaha hore looga mamnuucay in lagu iibiyo khamriga iyo xashiiska ee dalka Turkiga.

Iibinta khamriga iyo xashiiska ayaa waxaa laga mamnuucay goobaha sida xarumaha caafimaadka, waxbarashada, tababarka, dhaqanka iyo isboortiga, goobaha dadweynaha iyo goobaha nasiinada.

Dhowr todobaad oo la soo dhaafay, dowladda ayaa laamaha amniga awood u siisay xakameynta khamriga lagu iibiyo ama lagu cabo goobaha dadweynaha.