1 min read

Duqeyn dad rayad ah ay ku dhinteen oo ka dhacday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Dadka ku nool gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Kumanaan katirsan maleeshiyaadka deegaanka ayaa iska caabin kala hortagaya dadaallada ay dowladdu ku dooneyso in hubka looga dhigo laguna mideeyo ciidamada difaaca qaranka Itoobiya.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan soddon qof ay Axadii ku dhinteen laba weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Qof kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa isna sheegay in duqeymaha ay ka dhaceen goobo aysan ka jirin dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Goobjooge ku sugan magaalada Dembecha ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn kale ay ku dhinteen siddeed iyo toban qof.

BBC-da ayaa isku daydey in arrintaan ay wax ka waydiiso dowladda Itoobiya, balse ma aysan helin wax jawaab ah.

Bil ka hor waxaa jiray warar sheegaya in in ka badan sodon qof oo rayid ah ay ku dhinteen, konton kalena ay ku dhaawacmeen weerar kan la mid ahaa oo ka dhacay magaalada Finote salaam.