1 min read

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay la dagaalanka Argagixisada.

Riyadh :-Wasiirka amniga ee XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga, Amiir Cabdul Casiis bin Sacuud bin Naa’if.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo laba jibbaari lahaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha amniga guda iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulanka ka dib booqasho ku tagay Jaamacadda Sayniska iyo amniga ee Naa’if iyo xarunta la dagaallanka fekerka xagjirnimada iyo goobo kale.