1 min read

Dagaal ka socda Nagorno-Karabakh iyo dalabka Asarbayjan

Maraykanka iyo Ruushka ayaa hormuud ka ahaa baaqyada ku aaddan dagaalka ka socda dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh in la joojiyo.

Talaadadii Asarbayjan waxa ay halkaasi ka bilaawday waxa ay ugu yeertay hawlgalada “la-dagaalanka argagixisada” Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa la hadlay madaxweynaha Asarbayjaan, Ilham Aliyev, isaga oo ku booriyay in uu joojiyo tallaabada militari.

Ruushka ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka. Xiisadda ayaa ka taagneed muddo bilo ah agagaarka dhulka go’ay, oo caalami ahaan loo aqoonsaday inay qayb ka tahay Azerbaijan.