1 min read

Natiijooyinka Kulamadii Champions League ee Caawa kooxaha ku kala adkaadeen.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul fudud oo aanay ku dhibaatoonin ka gaadhay kooxda reer Serbia ee Crvena Zvezda oo laba jeer shabaqeeda u ogolaatay xiddiga reer Argentina ee Julian Alvarez oo qaatay doorka hoggaaminta weerarka xilli uu soomanaa Erling Haaland oo nasiibku ka diiday fursadihii uu helay.

Man City ayaa guul 3-1 ah ka gaadhay Crvena Zvezda, waxaanay kasoo kabteen gool lagala hormaray qaybtii hore oo ay kooxda reer Serbia kaga nixisay Man City oo dhayalsi ka muuqanayey.

Julian Alvarez ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad uu is-raaciyey laba gool oo daran-doorri ah oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-0, ka hor intii aanu xiddiga reer Spain ee Rodri oo muddooyinkan dambe lasoo baxay gool-dhalin aanu ku darin midka saddexaad.

Waxa kale oo guul weyn gaadhay Borussia Dortmund oo ciyaar aad u adkayd oo ay ku silceen ku qaabilay Borussia Dortmund, waxaase libinta u keenay Kylian Mbappe oo gool-dhalinta u furay qaybta labaad iyo Achraf Hakimi oo goolka labaad keenay, isla markaana xasuustay murugada ka taagan waddankiisa Morocco ee uu dhul-gariirku ku dhuftay, iyadoo ciayartuna kusoo dhamaatay 2-0.

Atletico Madrid ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay, kulan aad loogu dagaallamay oo ay marti ugu ahaayeen Lazio, waxaanay waqti dambe ogolaadeen in ciyaartu noqoto 1-1 oo gool laga dhaliyo.

Pablo Barrios oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa hoggaanka u dhiibay Atletico Madrid qaybtii hore, hase yeeshee daqiiqaddii 90+5 ayay Lazio keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey goolhaye Ivan Provedel, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-1.

Natiijooyinka kulamadii caawa ee Champions League oo dhamaystiran

AC Milan 0-0 Newcastle
Feyenoord 2-0 Celtic
PSG 2-0 Borussia Dortmund
Man City 3-1 Red Star Belgrade
Barcelona 5-0 Royal Antwerp
Young Boys 1-3 RB Leipzig
Lazio 1-2 Atletico Madrid
Shakhtar Donetsk 1-3 FC Porto