1 min read

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Kenya KDF oo burburtay.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa habeenimadii xalay burburtay xilli ay roondo ka sameynaysay gobolka Lamu, waxaana ku dhintay shaqaalihii la socday, sida uu sheegay qof goob jooge ah.

Iyadoo ka jawaabaysa xogta, ayey KDF maanta sheegtay in shaqaalihii iyo askar kale ay saarnaayeen diyaaradda Helicopterka ee ciidamada cirka, markii uu shilkan khasaaraha geystay dhacay.

“Shaqaalaha iyo askartii kale ee ku jirtay gudaha diyaaradda waxay qayb ka ahaayeen ciidamada kormeerka hawada oo xoojinaya habeen iyo maalin roondada iyo la socodka howlgalka socda ee Amani Boni,” ayay tiri KDF.

Sidoo kale, ciidamada difaaca Kenya ee KDF waxay tacsi u direen ehelada marxuumka. Dhanka kale waxaa goobta loo diray guddi baaris ah si ay u ogaadaan sababta keentay shilkan.

KDF ma aysan shaacin tirada askarta ku dhimatay shilkaasi.

Diyaaradda Helicopter-ka ee Huey ayaa la og yahay inay qaadi karto ilaa 13 qof.