2 mins read

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada Jiilka shanaad (5G)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta soo bandhigtay wada-tashiga qabyo-qoraalka Istaraatiijiyadda Qaran ee Jiilka Shanaad (National 5G Strategy). Ujeeddada laga leeyahay istataatiijiyadan waa sidii loo carsiyeyn lahaa isgaarsiinta dalka, loolana jaanqaadi lahaa hormarrada caalamku ka sameynayo adeegyada ku dhisan internet-ka.

Qabyo-qoraalka Istaraatiijiyadda 5G ee Qaranka ma ahan oo kaliya qorshe-howleed, balse waa aragti fog oo ka tarjumeysa sida HIQ ay uga go’an tahay inay Soomaaliya u horseeddo horumar ballaaran oo dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada ah. Qodobka ugu weyn ee ay istaraatiijiyadani xoogga saareyso waa sidii adeegga 5G loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan, si loo xaqiijiyo in internet qiime jaban uu u gaaro dalka oo dhan.

Iyadoo la raacayo awaamiirta Guddiga Maamulka Sare ee HIQ ee la soo baxay 22-kii Sebtembar 2022, istaraatiijiyadani waxay jeexaysaa geeddi-socod gaar ah oo loogu talagalay qoondaynta hirarka 5G iyo ahmiyadda adeegyada kale ee la xiriria 5G, waxaana aarrintaasi qeyb ka ah qalabka ay dadweynuhu u adeegsadaan iyo guud ahaan ballaarinta adeegga 5G.

“Istaraatiijiyadu ma aha oo kaliya qorshe oo keliya, balse waa waa mustaqblkii isgaarsiinta iyo teknoloojiyada ee dalka oo aan rajeyneyno inuu dalkeenu u horseedi doono isbeddel iyo barwaaqo. Waxaan dooneynaa in innagoo mideysan aan abuurno masiirka Soomaaliya ee dhinaca isgaarsiinta,” ayuu yiri Mustafe Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud HIQ.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolajiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, oo ka hadlay xafladda furitaanka waxa uu yiri “Istaraatiijiyadda 5G ee qabyada ah waxay ka tarjumaysaa siyaasadda iyo istaraatiijiyada ICT-da ee 2019-24 ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada si loo horumariyo isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda Soomaaliy,” isagoo intaasi ku daray: “Daahfurka wada-tashigan wuxuu ku martiqaadayaa dhammaan daneeyayaasha inay soo gudbiyaan fikradahooda iyo talooyinka ku aaddan istaraatiijiyadan.”

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo mabda’eedu yahay yahay inay dhageysato dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintan, waxay ku casumeysaa dadweynaha iyo daneeyayaasha inay soo gudbiyaan aragtidooda ugu dambeyn 2da Nofember, 2023. Dukumentiga wadatashiga waxaad ka heli kartaa mareegta hoose:

https://nca.gov.so/wp-content/uploads/2023/09/National-5G-Strategy-Consultation-Document-18092023-0.1.pdf