1 min read

Faah faahin ka soo baxaysa Qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo ku qarxay ciidamada  dowlada.

War goordhaweyd innaga soo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax wadada dhinaceeda la dhigay uu ku qarxay ciidamo kuwa dawladda ah oo hawlgal ka waday wadada u dhaxaysa degmooyinka Doolow iyo Luuq.

Qaraxa ayaa haleelay gaarigii uu saarnaa abaandulaha guutada 10aad qeybta 43-aad Gashaanle dhexe Rashiid Maxamed Cisman, waxaana taliyaha ka soo gaaray dhawaac, waxaa halkaas ku dhintay qaar kamid ah ilaaladii taliyaha gaariga la saarnaa.

Ilaa 12 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas.

Taliyaha iyo cidamadii kale ee dhaawacantay waxaa loo qaaday magaalada Muqdisho.