1 min read

Ciidamada qalabka sida iyo shacabka oo inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay inta badan fariisimihii ugu muhiimsanaa cadawga ee gobolka Mudug oo ay ka mid ahaayeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyn, Xin-labi iyo deegaano kale oo muhiim u ahaa Khawaarijta kuwaas oo kala ah; Galxagare, Hul-doonyaale, Sirgo iyo Qodqod.

Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta Dowladda oo ahayd fariisinkii ugu waynaa Khawaarijta ee gobalka Mudug ayaa qiyaastii 208-KM u jirta magaallo madaxda gobolka ee Gaalkacyo, waxaana guushaan laga gaaray cadawga ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin Khawaarijta.

Ciidanka Dowladda, Ciidanka Galmudug iyo Geesiyaasha deegaanka muddadii ay ku jireen hawlgallada guulaystay ee Khawaarijta looga saaray inta badan gobolka Mudug, waxa ay Khawaarijta gaarsiiyeen jab xooggan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka.