2 mins read

Qoray isku dhiibka Macawisley!!!.

Sida jabahadii oo midiba mid u dhiibtay La dagaalnkii Dowladii hore ilaa aakhirkii la soo gaaray USC oo ku guuleysatay, ayaa Macawisleyduna isku soo dhiibtay Halgankoodii. Waxa ayna soo mareern Heerar kala duwan, qaar laciifay, kuwa baabaya, kuwo soo laba kacleeyay ilaa Aakhirkii ay soo baxday Macawisleeyda Hiiran.

Macawisleey waa Dad deegaan oo aan wadan Dareeka Ciidanka laakin u hubeeysan sida Ciidanka. ” ogow Ciidamadii Ethiopia ee Dalka yimid waxa ay wateen Macawisyo iyo Dareeska Ciidanka, macawiyadaa oo garabka u saarnaa si ay dhaawaca ugu qaataan. Lamana dhihi karo macawisley. Haddii aan Macawisleey aan u qaadano Qof kasta oo macawis ku dagaalo xatta Daraawishtu waxa ay noqnayaan Macawisleey. Laakin aan ku soo koobno kuwii abuurmay wakhtiyadii dambe.

1. Sanadkii 1992 Shaalaley oo laba aheyd Shaal Cagaar iyo Shaal Guduud, ayaa ka soo ifbaxay Deegaanka Raaga Ceele.

2. Macawisleydii lagu soo jabiyay Dagaalkii Galcad iyo Ceel dheer ee soo dagtay bariga Hiiraan. Waxa ay ahaayen macawsley aan Dowladaha deriska wax ka helin, deegaankooduna uu ahaa Go’doon dhinac walba ka xiran. Kuwaa oo intooda badan uu hogaaminayay Sh. Caamir sh. Ibrahim.

3. Macawisleeydii Zone Mahaday, kuwaa oo wakhtiyo kala duwan dagaalka ku jiray.

4. Macawisleeydii Masaajid Cali gudud ee Sh/dhexe, oo u bareertay dagaal naf hurid ah.

5. Wadaadadii ASWJ ee Xarunta Guriceel ayaa iyaguna wakhti dheer Dagaal ku jiray, inkasta oo taageera xoogan ay ka helayeen wadamada deriska ah, Guula badana ay ka gaareen Dagaalada, Aakhirkii waxaa laciifiyay is faham la’aan iyaga iyo Dowladii dhax martay.

6 . Macawisleyda Sh/Hoose.dhowr mar ayaa kooxo macawisley ah ka soo baxeen Gabalka, kuwaa oo markii hore ku bilaawday Magaca ASWJ.

7. Macawileeyda Mudug oo iyana ka dilaacday Deegaanka ku hareereysan Gaalkacyo.

8. Macawisleydii Goblka Hiiraan oo noqotay tii ugu ugu damneeysay, Deegaan weynna ku fiday iyada oo taakukeeyn ka heleysay Dowladda Somalia iyo Dowlado kale.

9. Macawisleey waxaa ugu geesisan kooxda kalamaa ee ka dagaalantu Geedka kala maan.

10. Haddana waxaa soo baxday kooxda Cimaamadleey oo u badan Siyaasiyiin.

Horjoogayaashii Macawisleey ee ku geeriyooday Goob dagaal waa badan yihiin, waxaa ka mid ahaa: Nabadoon Cilmi hagar. Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii Nur Cali Jumbur. Nabadoon Ismaan Macallim iyo Nabadoon Ibrahim maad Ismaan. Iyo kuwa kale oo badan.

FG: Aragtidaada xur ayaad u tahay, wixii ka dhiman ku dar, wixii ka khaldan ka sax.

Qore: Yahya Amir