1 min read

Tiktok oo lagu qanaaxay inay bixiyeen lacagtii ugu badneyd abid oo dhowr boqol oo milyan ah

Hay’adda Dhowrista xogta dadweynaha ee dowladda Ireland u qaabilsan dhowrista sharciyeynta iyo sharci-mairinta shirkadaha internetka iyo baraha bulshada ayaa ku xukumay shirkada TikTok ganaaxii lacageed ee ugu sarreeyay abid.

Lacagta lagu xukumay TikTok ayaa gaareysa sadddex boqol iyo kontan milyan oo doolar. Xukunka ayaa ka dhashay dacwad la xiriirta sida ay shirkadu u maareysay xogta carruurta da’da yar ee adeegsata TikTok iyo sida ay xogtaas u istimaashay shirkada.

Waxaa sidoo kale lagu heystaa TikTok inay xogta iyo baraha carruurta da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 17 jir ay ka dhigtay mid dadka oo dhan u furan, oo wixii ay soo daabacaan uu arki karo qofwalba.

Dowladda Ireland ayaa adeegsatay xeerka Midowga Yurub ee tilmaamaha sida ay tahay in loo maareeyo xogta dadweynaha ee Internetka.

Afhayeen u hadlay Shirkada TikTok ayaa sheegay in aysan aqbalneyn go’aanka iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday.