1 min read

Maxaa ka jira in fiisooyiiinka Poland laga iibinayo dadka Afrikaanka?

Afhayeenka aqalka sare ee baarlamaanka Poland ayaa ugu baaqay dowladda in ay soo bandhigto waxa ay ka og tahay fadeexadda sii xogeysanaysa ee ku aadan in fiisooyiinka ama dal ku galka dalkaasi la kala iibsanayo.

Tomasz Grodzki ayaa sheegay in arrintani ay wax u dhimeyso sumcadda caalamiga ah ee dalka Poland oo ah dal dimuqraadi ah.

Dawladdu waxay soo saartay tafaasiil yar laakiin warbixinnada ayaa sheegaya in muhaajiriintu ay bixiyaan lacag dhan ilaa $5,000 midkiiba si ay u dedejiyaan codsiyadooda fiisaha shaqada.

Todobo qof ayaa ilaa hadda dacwad lagu soo oogay balse midkoodna ma aha masuul dowladeed.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Piotr Wawrzyk ayaa shaqada laga ceyriyay todobaadkii hore ka dib eedeymahaasi.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in ilaa 250,000 oo fiisooyin ama dal-kugal ah oo loogu talagalay dadka ka imaanaya Aasiya iyo Afrika si sharci daro ah lagu soo saaray islamarkana ay arrintan shirkado qeyb ka ahaayeen.

Dawladda Poland way beenisay tiradan, iyadoo sheegtay in dhawr boqol oo keliya la soo saaray.