1 min read

Haweenka Magaalada Ceelguula oo Taakulo ku wareejiyey Ciidanka Qaranka.

Mudug :-Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay Xoolo ,Biyo iyo Cunooyin ku wareejiyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.

Madasha Deeqdaan taakuladaa lagu wareejinayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Difaaca, Maamulka Wisil iyo kan dhaghaye waxayna kaga mahadceliyeen Haweenka Ceelguula doorkooda ku aadan garab istaaga Ciidamada

Qaar ka tirsan Haweenkii Deeq keenay ayaa sheegay inay ugu talo galeen dhiirigalinta Ciidamada naftooda u huray Difaaca Dalka, Diinta iyo Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Wisil Cabdi-garaad, Ka Deegaanka dhaghaye Cabdi Ildage iyo Geedi Qalabxor oo ka tirsan Saraakiisha Difaaca Gobolka ayaa wadajir ugu mahadceliyay Haweenka Ceelguula iyo Doorkooda ku aadan Taageerida Ciidamada.