1 min read

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan sagootin ah xalay u qabtay Wafdigii ka Socday Dalka Jabuut.i

Muqdisho :- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalat kulan casho sharaf sagootin ah u sameeyay Wafdiga Dowladda Djibouti ee maalmahaan Magaalada Muqdisho u joogay ka qeybgalka Bandhiga Filim-ka dib-u-curushada Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaladda iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Djibouti, Ahna Madaxa Wafdiga Mudane Muumin Xasan Barre ayaa Duqa Magaalada Muqdisho kaga mahadceliyay marti-soorka heerkeedu sareysa ee uu u sameeyay Wafdiga dalka Djibouti, asigoona xusay in ay taasi xoojineyso xariirka Walaaltinimo, dhaqan iyo dhiig wadaag ee ka dhaxeeya labada shacab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Shacabka iyo Dowladda Djibouti kaga mahadceliyay dadaalka iyo juhdiga ee kusoo bixiyeen Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo garab istaaga Hiilka Walaaltinimo leh oo ay weli ku taageerayaan Dowladda Soomaaliya, iyagoo weli u huraaya Naftooda sidii xasilooni waarta loogu heli lahaa gayiga Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga XFS, Xildhibaano ka tirsan BFS, Danjiraha Dowladda Djibouti u jooga Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Aqoonyahano, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka G/Banaadir & Dowladda Hoose ee Xamar.