1 min read

Horjooge ka tirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sanoah ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa  isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaaq UK ayaa  u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka, waxaana uu ku sheegay sababta uu uga soo baxay inay tahay in khawaariijta meel kasta oo ay joogaan ay ku sii badaneyso cabsida ,isla markaana uu yimid  kala shaki badan oo dhexdooda ah.

Qofkii latuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faaideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay ayuu yiri Yuusuf Malaaq.