1 min read

Ciidamadda Dawlada oo Hawlgallo ka sameeyay gobolka Jubada Hoose.

Ururka  5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed  ee Danab iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheeysan ka fuliyey degaanada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Degaanada Hawlgada Ciidanka ay ka sameeyeen ayaa kala  ah  Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin oo ay  ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed  ee Danab iyo Ciidanka Jubanland ayaa Alshabaab kasaaray  degaanadaasi islamarkaasna kasoo abaabulayeen weerarada ay ka geystaan degaanada Jubaland ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Danab ee Jubland.

Degaano ka Tirsan gobolkaa Jubada Hoose waaxaa maalmaahaan ka socda Hawgalo ka dhab ah Alshabaab .